Animation

Sh Maxamed Aw-libaax oo Kismaaayo garay iyo Siyaasiyiin kale oo ku soo wajahan

no responses
Saturday November 21, 2015 - 9:42 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa garay  wafdi u hogaaminayo Gudomiyaha Ahlusunna Sh Maxamed Maxamuud Aw-libaax.

 

Wafdigaan oo ka soo kicitimay Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaay Kismaayo u yimadeen in ay qayb ka qaatan Shirka dib u heshiisiinta ah oo dhamaadka bishaan ka furmaya bartamaha Magaalada Kismaayo.

 

Sido kale waxaa magaalada Kismaayo ku soo wajaahn wafdi kale oo balaaran oo ka soo kicitimido Magalada Muqdisho ee xarunta wadanka Somalia  wafdigaan oo ka kooban Siyaasiyiin caan oo ka soo jeeda Beesha Sade ayaa ayagana ka qayb qaadan doona Shirka sida weyn lo wada sugayo ee ka dhacaya Magaalada Kismaayo.

 

Shirka dib u heshiisinta  Jubbaland ayaa waxaa dabada ka rixaya oo dhaqaalaha ku baxaya bixinaya Dowlada Maraykanka  waxaana dhawaan  Sarkiil ka tirsan  Dowlada Maraykanka ay la kulmen Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe  iyo Gen Diini Wasiirka Gaashandhiga Somalia  waxaana labadaasi masul  lagu amray in ay soo afjaaraan khilaafka ka dhex tagaan beelaha ay kala mataalan si li hello Jubbaland lo dhan yahay.

 

Dadka ka faaloda arimaha Jubboyinka  ayaa waxaay sheegayan in shirkaani u yahay  fursad qaali ah oo soo martay Shacabka iyo Siyaaasiyiinta Jubbaland  wa hadi lo maamulo si waafaqsan  cadaalada iyo sinaanta.

 

Facebook Comments