Animation

Sh.Muqtaar Roobow oo la kulmay Wariyeyaasha ugana digay in ay dhahaan waa isa soo dhiibyay….

no responses
Monday December 4, 2017 - 12:56 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo ee isugu jira qeybaha kala duwan ee warbaahinta, kadib casuumaad uu u sameeyay.

Wariyeyaasha ayaa salaadii Duhur kadib ku xaadiray Madaxtooyada, waxaana markii ay galayeen qolka uu ku jiray Roobow laga wada damiyay Telefoonadooda, iyada oo sidoo kale laga reebay qalabkii warbaahinta ee ay isticmaalayeen, maadaama arrin gaar ah loogu yeeray.

Roobow ayaa Wariyeyaasha la qaatay kulan isbarasho ah, kadibna wuxuu ka dalbaday in qalabka warbaajinta aysan u adeegsan “Roobow oo Dowladda isku soo dhiibay” balse taas bedelkeeda ayuu sheegay in Dowladda uusan isku soo dhiibin ee uu ku yimid wada hadal, wariyeyaashana looga baahan yahay in ay sidaas ula socdaan.

Wuxuu sheegay warbaahinta in ay adeegsadaan Roobow oo isku soo dhiibay Dowladda, wuxuuna tilmaamay isaga inuusan isa soo dhibin, balse ay jiraan Hoggaamiyeyaal Shabaab ka tirsanaan jiray oo isa soo dhiibay.

Dhanka kale Roobow ayaa sheegay maanta la kulankiisa wariyeyaasha in halkaas ajande uu ku saabsanaa balse wixii howlo kale ah uu dib kala soo wadaagi doono.

Facebook Comments