Animation

Sh Adan Madoobe:- Kenya waxay dhacday Baddi Somalia dhulkiina way ku darsan rabtaa…

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 5:04 under Somali News by admin
mqdefault

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in damaca Kenya ee ku aadan Badda Soomaaliya ay qeyb ka tahay Darbiga ay ka dhiseyso Xuduuda Soomaaliya, isagoo cadeeyay in dad Soomaali ay dalaal ka yihiin qorshaha ay Kenya ay rabto inay ku goosato dhul Soomaaliyeed.

Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka hadlayay kulan Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ka yeeshay darbiga ay kenya ka dhisaneyso xuduuda Soomaaliya, ayuu sheegay in loo baahan yahay in si ficil ah looga soo hor-jeesato.

“Aniga waxaa igu jira dareen ah in dad Soomaaliyeed oo mas’uuliyiin ah ay barnaamijkan Kenya ay ku taameyso qeyb ka ah, isla markaana hoos kula wada, wixii loo sheego ma ogi cid kasta ha noqoto dad soomaali ayaa barnaamijkan dalaal ka ah oo ku dhex jira”ayuu yiri Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya in arrintan ay il gaar ah ku eegaan, isla markaana aan la dhayalsan.

“Baarlamaanka sharafta lahow arrintan aan fiirino dhul ciyaar ciyaar ma ahan, yacnii Soomaaliya si kasta ha u bur burto waa dad wadaniyiin ah oo xor ah oo deegaankooda iyo dalkood ay iyaga leeyihiin, dadka arrintaas damcay iyo dadka arrintan daba jooga oo raalli ku ah in Kenya dhulkeena goostaan oo ah Baddeena meelaha kheyraadka lagu sheego, waa ogtihiin hada ka hor baarlamaankii KMG ee aan Guddoomiyaha ka ahaa meesha uu arrintan dhigay, dad ayaa raba inay arrintaas soo nooleeyaan”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka dalbaday in muddo 24-saac gudahood uu dalka ku soo galo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, waxaana Xildhibaanada ka dalbadeen dowladda Kenya inay joojiso darbiga ay ka dhiseyso xuduuda.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in arrinta ku aadan darbiga ay kenya ka dhiseyso Soomaaliya ay ka doodi doonaan maalinta berri oo khamiis ah, Guddiyada arrimaha dibadda Baarlamaanka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, wixii go’aan ka soo baxana la soo saari doono.

Dadka degan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku soo durugtay xadkii u dhexeeyey labada dal ee ku beegnaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Balad-Xaawo ee Soomaaliya iyo Mandheera ee Kenya, waxaana la sheegay in la tirtirtay calaamado muujinaya halka uu xadku ku eg-yahay, iyaga oo gudaha Soomaaliya ku soo durgaya, iyadoo loo maleynayaa in qorshaha Kenya uu yahay in xadka dhulka ay la sinto kan badda, si labada xuduud ay isku waafaqaan, si ay taas uga saacido muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.