Animation

Senator Sharmaake: Dowladda waa ineey taageerto Go’aanka Xulafada Sucuudiga.

no responses
Saturday July 8, 2017 - 11:31 under Somali News by admin
mqdefault

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay ka laabato go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaatay khilaafka u dhaxeeya dowladaha Khaliijka.

Cumar C/rashiid oo ka qeyb galayay barnaamijka martida makrafoonka ee ka baxa Idaacada VOA ayaa sheegay in maslaxada Soomaaliya ay ku jirto in lala safto dalalka Sacuudiga, Imaaradka iyo Masar sida uu hadalka u dhigay.

“Umadda Soomaaliyeed maslaxdeeda kuma jirto go’aanka ay Xukuumadda qaadatay ee dhex dhexaadnimada, afar dowladood iyo dowladood oo yar waaye, illaa 1960ayay na taageerayeen saddexda wadan ee Carab ee aan isugu dhownahay dowlad ahaan iyo bulsho ahaan waa Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masaarida, runtii ayaga markii ay aheyd inaan garab istaagno oo aan ku bedelno waxay na taheen dowlad ahaan, hadey tahay maslaxad dhaqaale, tan amni, anaga maslaxdeena waxay ku jirtay inaan isbaheysiga Sacuudiga dhinacooda aan aadno”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Waxaa uu sheegay in dowladda Qatar aanay waligeed u soo gurman Soomaaliya, marka laga reebo inay gacan qabatay shaqsiyaad iyo Xarakooyin sida uu hadalka u dhigay..

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in go’aanka ay qaadatay Xukuumadda ay ku tahay dhib, isla markaana loo arkayo inay dhinac la safan yihiin, waxaana uu talo ahaan u soo jeediyay in dib looga fikiro, lana eego meesha maslaxada ku jirto in la qaato.

Mar wax laga weydiiyay hadii dowladda Soomaaliya la safato Isbaheysiga Sacuudiga inay saameyn ku yeelaneyso xiriirkii Turkiga ayuu sheegay in Turkiga iyo wadamada xulafada la ah Sacuudiga aanay is aheyn, isla markaana aanay wanaagsaneyn in dhankaas laga eego.

“Waxa is aheysta Turkiga iyo afartan dal ma ahan, anaga Turkiga inaan dhahno ma ahan qeyb ayuu ka yahay, waayo Turkiga inaan soo dhex gelino ma ahan, waxay rabtaa in arrinta aan ku miisaano habka ay tahay Qatar iyo wadamada is haya, dhexdooda ka hadleynaa ee dowlado kale kama hadleyno”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in arrin masiiri ah tahay mowqifka khilaafka Khaliijka, isagoo xusay in xiriirka amni iyo dhaqaale ay saameyn ku yeelaneyso, walina fursad dib looga noqdo go’aankaas la heysto.