Animation

Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo maanta ku guuleystay doorasho ka dhacday muqdisho. (Sawirro)

no responses
Tuesday August 15, 2017 - 12:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Siyaasi Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay Kursigii uu ka tagay C/Raxmaan Maxamed Faroole ee xubinta Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal.

Fartaag,waxaa kursigan kula tartantay Shukri,waxaana Fartaag uu helay 24 cod halka Xildhibaanad Shukri ay heshay 22 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ayaa waxaa uu ka koobanyahay  10 Xubnood oo min shan xubnood ay ku leeyihiin Golaha shacabka iyo aqalka  sare.

C/Raxmaan Faroole ayaa dhawaan u tartamay guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada gole,waxaana uga guuleystay Cabdi qeybdiid,kaddibna waxaa uu C/Raxmaan Faroole ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinimada Guddiga dib u eegista Dastuurka.

Waxaana Maanta ku tartamay Xildhibaan Fartaag iyo Xildhibaanad Shukri iyada oo uu ugu dambeyn ku guuleystay C/llahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Facebook Comments