Somali News

SAWIRRO:Xubno Ka Tirsan Booliiska AMISOM Oo Loo Soo Xiray Tababar La Xiriira Ilaalinta Xuquuqul Insaanka

Howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa 22 Sarkaal oo ka tirsn Boliiska AMISOM usoo gaba-gabeeyay tababar soconayay Sadex Cisho .

Tababarkan ayaa waxa uu ku saabsanaa ka hor tagga dhibaatooyinka Jinsiga , ilaalinta xuquuqul Insaanka iyo dhowrista dhibaatooyinka loo geysto Carruurta.

Xubnahan oo dhammaantood ahaa Haween ayaa looga tala galay in ay tababarro iyo talooyin ku aaddan waajibaadkooda usii fidiyaan Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed oo ay wada shaqayn xooggan ka dhaxayso AMISOM.

Taliyaha Booliska AMISOM,  Augustine Magnus Kailie, ayaa xiritaanka tababarka Saraakiishan ku boorriyay in ay casharradii la siiyay ku dabbaqaan aqoontooda, si ay u sii kordhiyaan kaalintooda kaga aaddan waajibaadka amni ee saaran.

  

Related posts

Daawo: Dadkii ugu badnaay oo la soo sheegaayo in ay ku dhinteen deegaanada jubbaland xili ay socdaan….

Tifaftiraha K24

DEG DEG;- Dagaal Kasocda Xiligan Magaalada Baladweyne

Tifaftiraha K24

 Xuska Sanad Guurada 48 Naad ee Ciidanka Asluubta Oo Maanta kadhacaysa Magaalada.

gurey