SAWIRRO:Musharaxa Shacab Ka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta-Gareen Oo Ku Dhawaaqay Musharaxnimadiisa.

0

Xaflada Ku Dhawaaqista musharaxa Madaxweynaha koonfur Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagareen ) ayaa maanta ka dhacay magaalada baydhabo xarunta Gobolka Bay.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah golaha wasiirada Dowlada federalka somalia uu hor kacayo wasiirka difaaca dalka xildhibaan xasan ali (Amar-danbe), Sidoo kale Qaar Kamid ah Xildhibaanada Baarlamaan ka Dowlada Soomaaliya.
Wasiirka Difaaca Qaranka Ayaa Bogaadiyay Musharax Cabdi Casiis Kuna Tilmaamay Masuul Kaliya Ee Wax Ka Qaban Kara Deegaanada Koonfur Galbeed Waxaana Uu Yiri” CabdiCasiis Waa Nin ka Samata Bixin Kara Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Waxaana Uu Dhalin Karaa Isbadal Muuqda Oo Dalka Oo Dhan Saamayn Ku Yeelan Kara.

 

Dhinaca Kale musharax madaxweynaha koonfur mudane cabdicasiis xasan maxamed ( Laftagareen ) Ayaa Si Rasmi Ah U Shaaciyay Musharaxnimadiisa Waxaana Dadka Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Kuwa Koonfur Galbeed Ka Codsaday In La Shaqeeyaan ayna ka qayb Qaataan Isbadal Doon Ka Uu Rabo in Uu ka Hirgaliyo Deegaanada Koonfur Galbeed.

in ka badan 150 xildhibaan barlamaanka koonfur galbeed ayaa sidoo kale kasoo qeyb galay Xaflada Shaacinta Musharaxnimada Lafta-gareen oo ah musharaxa ugu Cadcad dhamaan musharaxiinta u tartamaysa maamulka koonfur galbeed.

Qaar Ka mid Ah Xildhibaanadii ka soo qayb Galay Munaasabada ayaa balan qaaday in ay u hiilin doonaan isbadal ku yimaada hogaan ka ugu sareeya dowlada goboleedka koonfur galbeed Waxayna intaasi Raaciyeen in Codkooda ugu Hiilin Doonaan Shacabka Koonfur Galbeed Ayna Dooran Doonaan musharaxa madaxweynaha koonfur mudane cabdicasiis xasan maxamed ( Laftagareen ).

SAWIRRO: