SAWIRRO: Xisbi Siyaasaddeedka Xiis oo Sanad-guuradiisa 3-aad lagu qabtay Muqdisho

no responses
Tuesday February 13, 2018 - 7:47 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Munaasabada Sanad guurada sadexaad ee xisbiga (xiis) oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano wasiiro iyo siyaasiyiin ururada Bulshada rayidka qeybahooda kala duwan .

Intii ay socotay munaasabada waxaa Aad Loogu amaanay xisbiga xiis kaalintii uu kaciyaaray dorashadi Dalka kadhacaday Sanadkii 2017 iyo isbadalkii Curtay oo xisbigu uu door muhiim ah ka qaatay

Gudoomiyaha xisbiga_xiis Abdullahi Hersi Cilmooge oo Madasha kahadlay ayaa sheegay in uu xisbiga diirada saarayo sidii uu door muhiim ah uga qaadan lahaa doorashooyinka 2021 Dalka kadhacaya ee Qof iyo codka ah waxaana uu Sidoo kale sheegay in xisbigu xarumo kuleeyahay Maamul Gobaleedyada Dalka waana xisbiga kaliya ee xarumo wakiilo kuleh gobalada dalka.

Dalka waxaa ka hanaaqaday xisbiga xiis afarkii sano ee ugu danbaysay ee uu jiray ayadoo dalkana uu ku leeyahay shacabiyad taageerayaal aad u badan.

Facebook Comments