Somali News

SAWIRRO: Xabsiyada Magaalada Gaalkacyo oo buuxdhaafay ka dib markii.

Hawlgal ciidan ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, kaas oo ay iska kaashanaya ciidamada Booliiska iyo kuwa dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Taliyaha qaybta gobalka Mudug Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay inay howlgalo balaaran ka wadaan magaalada Gaalkacyo si loo xaqiijiyo amaanka magaalada oo marar kala duwan ay ka dhaceen falal lidi ku ah amaanka Gaalkacyo.

“Dad badan ayaan soo xir xirnay xabsiyada ayaa buuxa, waana wadaynaa hawlgalka inta amniga laga sugayo” ayuu yiri Jaamac Maxamed Axmed oo warbaahinta faah faahin ka siiyey hawlgalkani.

Ciidamadani lagu daadiyey magaalada ee hawlgalada wada ayaa intooda badan shacabku ku dhaliilayaan in aysan gudan waajibaadka ka saaran amaanka magaalada Gaalkacyo maadaama xiliyo kooban oo kaliya ay hawlgalo ka sameeyaan Gaalkacyo halka dadka qaarkii ay aaminsan yihiin oo kaliya in ciidamadani ay ka shaqaynayaan oo kaliya sidii cashuurta looga qaadi lahaa shacabka iyo gaadiidka maadaama lagu jiro bilowga sanadka cusub ee 2020 oo maamuladu ay inta badan ka qaadaan shacabka cashuuraha kala duwan ee ay ku waajibiyeen shacabka ku dhaqan gayiga Soomaaliyeed.

Related posts

Itoobiya oo shaacisay in Soomaaliya ay raali-gelin ka siisay taageerada ay.

admin

KASHIFAAD: Muxuu MD GAAS uga baaqsaday ka qeybgalka Shirka Istanbuul.?.(Arimo Qarsan)

admin

Dhageyso: – Afhayeenka Puntland oo Faah faahiyay Guulihii Dowladda Puntland Sanadkii 2015

Tifaftiraha K24