Sawirro: Xaafaddaha Magaallada Beledweyne oo looga qaxay Fatahaada wabiga shabeelle

0

Dadka ku Nool Magaallada Beledweyne ayaa xaafaddahooda uga barakacaya Fatahaadda uu sameeyay Wabiga shabeelle ee dhexmara bartamaha magaallada beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kumanaan qooysas ah oo guryahooda uga qaxay biyaha oo aad u buux dhaafiyay ayaa hadda si KMG ah u dagay duleedka magaallada waxaana dadkaasi saameyn weyn ku yeeshay qaboow daran oo xiliyada habeenkii dhacaya maadama aysan hel karin guryo ay gambaad uga dhigtaan qaboowga darran ee xliyada habeenkii dhacaya.

Waxaa is biirsaday roobab lixaad leh oo magaallada ku da’ay iyo wabiga oo karkaaradii jabsaday waxaana magaallad inteeda badan dhex fadhya biyo aad u badan.

Deegaanka ceeljaalle oo ah dhul taag ah oo inta badan dadku deegaansadaan marka ay jirto sidan oo kale Fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ayey dadku hadda u barakaceen waxaana magaallada isaga baxay qiyaastii 70% Qoysaskii degenaa magaalada beledweyne.

Sanadkii hore ayey aheyd markii sidaan oo kale wabiga uu ku fatahay qeybo badan oo magaallada beledweyne ka tirsan iyadoo xiligaasi magaallada ay ka qaxeen kumanaan ruux oo u badan qoysas danyar ah .