Sawirro: Wasiiru-dowlihii amniga koonfur galbeed iyo xildhibaan kabaweyne oo Muqdisho lagu aasay

0

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu aasay allaha ha u naxariistee Wasiiru-dowlihii amniga maamulka koonfur galbeed Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cli (Baraf) iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo shalay qarax miino ay kula kacday inta u dhaxeysa tuulooyinka Doonka iyo Buulalow ee u dhaxeeya Wanlaweyn iyo Afgooye.

Sidoo kale waxaa aas loo sameeyay askartii iyagana qaraxa ku dhintay ee mas’uuliyiinta la socotay iyadoona aaska ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo maamullada k/galbeed iyo hirshabeelle.

Mas’uuliyadda qaraxaan ay ku dhinteen mas’uuliyiinta waxaa dusha u ritay Alshabaab.