Animation

SAWIRRO: Wasiirka Caafimaadka Turkiga iyo Safiirka Somalia Ee Turkiga Jamac Caydiid Oo Sagoontiyay Dhawacyadii Zoope.

no responses
Tuesday December 5, 2017 - 10:08 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Gsafaaradda Soomaaliya ee Turkey iyo wasaaradda caafimaadka ee Turkey waxaanu mar labaad sii sagootinay 8 ka mid ah dhaawicii la keenay Ankara oo bugsooday.

Siddeeda qof ee bugsooday waxaa la socday 7 qof oo ehelkooda ah oo soo raacay markay imanayeen.
Dhaawaca la celiyey aad bay ugu faraxsanaayeen in ay caawa iyaga oo fayow ku noqdaan dalkoodii hooyo, xiise badan bay u qabeen in ay Muqdisho iyo ehelkoodii dib ugu laabtaan.

Waxaa ka mid ahaa Salma Xuseen Amiin oo 16 jir ah oo lug lagta midig ku waydey qaraxii 14 October. Salma iyo walaasheed dib ayay ugu soo laaban doonaan Turkiga iyadoo waxbarasho schoolership ah ay siiyeen xisbiga talada dalkan haya ee AK Party.

Waxaa kaloo la socda labo wiil oo yaryar Usama iyo Abshakur oo hadda fiican.
Waxaa ka mid ah dadka caawa baxaya Daahir Cali Maxamed oo dhaawac fudud ahaa laakiin wadey labo dhaawac ah oo mid yahay Nabaddoon Aweys Cali Maxamed. Daahir wuxuu kaloo qaraxii Zoobbe ku waayey labo walaaladii ah iyo wiil uu adeer u yahay.

Daahir waa nin Ilaahay iimaan ugu deeqay marna kama dareemaysid dhibaatada ku dhacday isaga iyo qoyskiisa. Haddii aad xusuusataan waa walaalihii iyagoo Zakada dukaankooda xisaabinaya shilku ku dhacay.

Waxaa Qoray Safiirka Dalkeena Somalia U Fadhiya Dalka Turkiga Jaamac Caydiid

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

Facebook Comments