SAWIRRO:- Wasiirka Amniga Soomaaliya oo gaaray Magaaladda Boosaaso

0

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa goor dhow gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Safarka Wasiirka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ka qeyb gali doono Xaflad lagu caleemasaari doono beeldaaje.

Magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa ka baxay inta badan Saraakiishii dowladda Imaaraadka Carabta ee ku sugnaa degaanda maamulka Puntland.