Somali News Top News Xulashada K24

SAWIRRO:- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DFS oo kulan la qaatay Wafti ka socda Dalka Masar

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Masar,Bankiga dhexe ee Masar,Bakiga Horumarinta iyo Ganacsato ka soo jeeda dalkaasi.

Wasiir Maareeye iyo Wafdiga ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Masar ayaa ka wada hadlay Arrimaha Maalgashiga,Xiriirka Labada dal,sidii ganacsatada Soomaaliyeed suuq loogu heli lahaa dalka Masar oo ay u iib-geeyaan Allaabadooda,kullamo kan xiga oo ka dhici doona Masar oo Heshiisyo labada Wasaaradood ay ku kala saxiixan doonaan iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir maareeyee iyo Qunsulka safaarada Masar ee Soomaaliya Tamer Safwat El.mahdy oo kullanka ka dib si wadajir ula hadlay Warbaahinta ayaa muhiimadda kullankan ku tilmaamay mid kor loogu qaadayo xiriirka Labada dalka,islamarkaana lagu xoojinayo xiriirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Masar.

Related posts

Top News: Gudoomiye Jawaari oo maanta ka degaya Baydhabo (Tolow Muxuu ugu socdaa??)

admin

Daawo Sawirro: Goobaha Muhiimka ah ee Sanadkaan loo diyaariyay Xujeyda Soomaliyed iyo Wafdi Dowlada ka socda oo Booqday

Tifaftiraha K24

War Cusub: Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah oo Dil loo geestay Kadib Markii ay Dhaceen Ganacsato Soomaliyeed… Tollow Yaa dilay ???

Tifaftiraha K24