Somali News

SAWIRRO: Wasiir Cawad oo qaabilay wafdi ka socday Folke Bernadotte Academy.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa xalay fiidkii casho sharaf u sameeyay wafdi Swedish ah oo ka socda Akadeemiyadda Folke Bernadotte Academy (FBA) oo tababaro xiriir ah ugu qabanaysa diblomaasiyiinta Soomaaliyeed Caasimadaha Muqdisho iyo Stockholm.

Casha sharafta oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Cali Maxamed, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xildhibaanno, Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Isaaq Aadan, Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, safiirrada laga aqoonsanyahay dalka iyo dad heerkoodu sarreeyo oo Soomaali ah.

Soomaaliya iyo Sweden waxaa ka dhexeeya xiriir xooggan, iskaashi iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo labadaba u suurragelinaya iyagoo garba-siman in si saaxiibtinimo leh ula falgalaan wax miro-dhal leh oo u adeegaya danaha iyo nacfi wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

      

Related posts

WAR CUSUB: Dowlada mareykanka Maxey ka dhahday Doorashadii Muranka badan Dhalisay ee ka dhacday Dalka Jabuuti

admin

Dr. Ibraahim Bursaliid oo Magaalada Nairobi Tababar ku siyay 20 Diblomaasi oo somali ah..

admin

DEG DEG: Maxaadan ogeyn oo hada laga soo sheegaya magaalada jowhar xili ay……

Tifaftiraha K24