Animation

Sawirro: Wasiir bayle oo bankiga adduunka ka guddoomay lacag gaareysa….

no responses
Wednesday July 26, 2017 - 4:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dr C/axrmaan Ducaale Beyle Wasiirka  maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankaan uu xafiiskiisa kula qaatay wafdigan ka socday Bankiga Aduunka oo uu hogaaminayay Hugh  Ridell madaxa Bankiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya  waxaa diiradda lagu saaray horumarinta hanaanka maamul maaliyeed ee dalka, kor u qaadista taageerada Bankiga Aduunka uu siiyo Soomaaliya iyo sidii deymaha looga cafin lahaa sida uu sharaxay wasiirka Maaliyadda Soomaliya.

“ Waxaan lakulanay madax Bankiga aduunka waxaana aan ka wada hadalnay kor u qaadista taageerada Bankiga aduunka uu siiyo Soomaaliya, sidii deymaah na looga cafin lahaa, waxaana ku heshiinay in aan horey u socono”sidaasina waxa yiri wasiirka maaliyadda Dowladda Soomaaliya.

“Wasiir Beyle” waxaan filaynaa in aaqairka sanadkan aan mar isku imaan doono , waxaan aniguna ku saxiixay heshiiskan ka yimid Bankiga horumarinta Africa oo ay ku taalao lacag deeq ah oo dhan 1 milyan oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyaay wasiirka maaliyadad Soomaaliya.

Hugh  Ridell Bankiga aduunka u qaabilsan Soomaalia ayaa sidoo kale waxaa uu kulan la qaatay wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisow oo ay isna ka wada hadleen arrimaha la xiriira garab istaaga Bankiga Aduunka ee Soomaliya iyo sidii warfaafintu dowr uga qaadan lahayd arrimahaasi,  sida uu warbaahinta u sheegay Eng Yiriisow.

”Waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Bangiga Aduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaan uga mahadcelinay kaalmadda uuBangiga Aduunka uu siinayo Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda,sida maamulka iyo maareynta maaliyadda,ladagaalanka Musuqa, iyo sidii warbaahinta dowr uga qaadan lahayd in bulshada loo soo bandhigo waxqabdkooda” ayuu yiri wasiirka warfafainta Soomaaliya.

Waxaa isna warbaahinta la hadlay Mr Hugh Ridellwakiilka Bankiga Aduunka u qaabilsan Soomaliya  Soomaaliya.

“Bankiga Aduunku waxaa uu Soomaaliya ka shaqeynayay muddo afar sano ah, hadda waxaa aan diiradda saareynaa in aan ka caawino Dowladda Soomaaliya dib u dhiska hay’adaha maaliyadda sida Bankiga Dhexe,wasaaradaha maaliyaddaiyo  qorsheynta  waxaan sidoo kale ka taageereynaa mushaharaadka shaqaalaha Dowladda, waxaan sidoo kale la shaqeynaa Dowlad goboleedyada”sidaana waxaa yiri wakiilka Bankiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya.