Sawirro: Wasaaradda Amniga oo sheegtay in la fashiliyay Qaraxii Maanta ka dhacay Afgooye

0

Wasaaradda Amniga oo sheegtay in Qaraxii Maanta Afgooye ka dhacay ay fashiliyeen Ciidamada Ammaanka xili ninka gaariga isku qarxiyay uu doonaayay in uu xoog ku dhaafo bar koontarool oo ciidamada Ammaanka ay gaadiidka ku baaraan.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo lahadlay Wakaaladda Wararka Ee SONNA ayaa sheegay in Qaraxa uu ku dhintay kaliya ninkii is qarxiyay isagona xusay in ciidanka oo feejignaan dheeri ah kujiray ay gaariga ka shakiyeen kana hortageen in uu waxyeelo u geesto dadka shacabka ah sida uu wasiirku sheegay.

Al-shabaab oo qaraxa mas’uuliyaddiisa dusha u ritay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa hadafkiisu ahaa in lala eegto ciidamada baangaraafta ee maraayay Afgooye ayna ku dileen 12 Askari.