SAWIRRO:- Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxwaynihii hore Ee Ximan Iyo Xeeb oo Gaaray Cabudwaaq

0

Wafdi Balaaran Oo Uu Hogaaminayo Madaxwaynihii Hore ee Ximan iyi Xeeb Maxamed C/llahi Aadan tiicey ayaa maanta gaaray Magaalada Cabudwaaq ee Woqooyiha Gobolka Galgaduud.

Waftiga Madaxwaynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Xuseen (Tootoole) iyo mas’uuliyiin kale Waxaana markii ay soo gaareen Cabudwaaq si wayn u soo dhaweeyay Maamulka Dagmada Iyo Waxgaradka qaybaha Kala Duwan ee Bulshada.

Dhamaan Xaafadaha Kala Duwan ee ay ka koobantahay Magaalada ayaa Lagusoo Wareejiyay Wafdiga Madaxwaynaha, waxaana la filayaa Galabta in uu kulmo layeesho Odayaasha Dhaqanka Magaalada Cabudwaaq.