Sawirro: Wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafaddo ka tirsan Magaalada Jowhar

0

Waabiga shabeelle ee mara qeybo kamid ah gobolka shabeellada dhexe ayaa fatahaad ka sameeyay xaafaddo kamid ah magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe.

Xalay saqdii dhexe ayey dadka kusoo baraarugeen biyo aad u badan oo buux dhaafiyay kiliga faanoolle iyo waddooyinka xaafado magaalada jowhar kamid ah.

Xaafaddaha horseed, buulo-shiikh iyo kulmis oo magaalada jowhar ka wada tirsan ayaa la sheegay in biyaha wabiga ay kusoo fataheen waxaana cabsi xooggan ay ku abuurtay dadka xaafaddahaasi dagan oo wel wel ka qaba in biyaha ay guryahooda ugu soo galaan.

Maamulka hirshabeelle ayaa dedaallo xooggan ugu jiran in uu biyo xireen ka sameeyo meelaha wabiga uu ka fatahaayo waxaana wabiga uu keenay biyo aad u badan maadama xili roobaadkii guga uu ka curtay guud ahaan dalka soomalia.