SAWIRRO:-Taliyayaasha Booliiska Iyo NISA Oo La Kulmay Safiirka Turkiga U Fadhiya Soomaaliya

0

Safirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker ayaa kulamo xasaasi ah waxa uu la qaatay taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Gen, Bashiir Cabdi Maxamed, taliyaha Ciidanka Booliska Xuseen Cismaan Xuseen taliyaha NISA Safirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker,ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii loo hormarin lahaa talisyada ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Soomaaliya sida lagu qoray Barta Twitter-ka howlgalka Turkiga ee Soomaaliya.

Danjire  Baker, ayaa waxuu sheegay in Dowladda Turkiga ay diyaar u tahay labadan Hay’addood ay ka taageerto sidii looga adkaan la haa dagaalyahanada  Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

Sikastaba Dowladda Turkiga ayaa saldhig Militari ay ka dhistay Muqdisho,iyada oo lagu tababaro Ciidama Xoogag dalka Soomaaliya,isla markaana sidoo kale ay taageero weyn siisaa dowladda Federaalka Soomaaliya.