Sawirro: Taliyaha Hogaanka Is Gaarsiinta Booliiska Soomaliyeed oo Maanta Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

0

Magaalada dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka galmudug waxaa maanta gaaray wafdi uu horkacaayo Taliyaha Hogaanka Is Gaarsiinta Booliiska Soomaliyeed General Bishaar Bishar Abshir Gedi waxaana lagu soo dhaweeyay madaarka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya saraakiil ciidamada booliska ka tirsan waxaana ay u kuur galayan xaaladda ciidamadda booliska .

Tan iyo wixii ka dambeeyay midowgii Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna magaalada dhuusamareeb oo ah caasimadda galmudug waxa ay ku talaabsaneysa horumar dhinac waliba leh.