Somali News Top News Xulashada K24

SAWIRRO:- Soomaaliya oo Ka qeyb gashay Shirka iskaashiga dhaqaalaha Afrika iyo Japaan.

Waxaa Maanta Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika ka furmay shir looga hadlayo iskaashiga xagga dhaqaalaha ee Dalalka Qaaradda Afrika iyo Jabaan.

Kulankan oo ay soo agaasintay Dowlada Japan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa, Criral Ramaphosa, Wasiirro ka socda Dowlaha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ,iyo Wasiiro ka socda Dalka Japan, madax ka socotay ururo caalami ah,shirkadaha ganacsiga ee ugu waaweyn Dalka Japan iyo Dalalka Qaaradda Afrika iyo marti sharaf kala duwan oo shirka lagu casuumay.

Ujeedka shirka waxaa uu ahaa maalingalinta Dowladda Japaan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkan heerka caalami ah.

Wafdiga ka socda Wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah waxa ay la qaateen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Japan iyo Madaxweyne ku xigeenka hey’adda gargaarka iyo horumarinta Dalka Japaan, iyagoo kala hadlay sidii loo dar-dar galin lahaa mashaariicda Dowlada Japaan ay ka sameyso Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo Barri oo ay Bisha May tahay Shan, iyadoo inta uu socdana ay shirkadaha Dalka Japaan iyo kuwa Qaaradda Afrika ay kusoo bandhigi doonaan halkaasi wax soo saarkooda.

Related posts

Daawo: Magaalada Jowhar oo lagu soo Bandhigay Magaca iyo Calanka uu yeelan Doono Maamulka Labada Gobol Hiiraan iyo Sh.Dhexe

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Qaar Kamid ah Xildhibaanada Kasoo Jeeda Gobalka Shabeelaha Hoose oo si Kulul uga hadlay Dagaalo kadhacay Gobalkaas

admin

Deg-deg: Madaxweyne Guuleed-ka Galmudug Oo Safar Ugu Wajahan Magaaladda……………………………..(TOlow Waa Magaaladee???)

Tifaftiraha K24