Somali News

SAWIRRO: Soomaaliya Iyo Yemen Oo Wadahadalo Yeeshay

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Yemen ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadal Ali Ahmed Alhanik.

Waxa uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga si la mid ah arrimo siyaasadeed iyo nabadgelyo oo labada dal ee walaalaha muhiimad u leh, waxa kale oo ay isla faaqideen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee labada dal ay danaynayaan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadan Dagaal.

Image may contain: 1 person, sitting and suitImage may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting, table, living room and indoor

Related posts

War cusub: Qiimaha sarifka dollarka ee magaalada muqdisho maxaa ka cusub maanta??

Tifaftiraha K24

Faah-faahin Qarax Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Isgooska Jubba

admin

War Cusub: Dhageyso Warar dheeraad ah oo laga helaayo Shil gaari oo Maanta ka dhacay deegaanada Puntland

Tifaftiraha K24