Somali News

SAWIRRO: Shaqaale Turki ah oo Qarax lagula eegtay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah ay la socdeen shaqaale Turki ah oo ku howlan dhismaha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Sida ana wararka ku heleyno qaraxa ayaa ka dhacay Koontaroolka Baar ismaaciil halkaas ay ku sugnaayeen kolonyada gaadiidka ay wateen Shaqaalaha Turkida iyo ciidamo booliis ah oo ilaalo u ahaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay kolonyada gaadiidka, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin khasaaraha qaraxan ka dhashay, waxaana goobta qaraxu ka dhacay buux dhaafiyay ciidamo badan oo gurmad u sameenayay dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa.

  

Related posts

Prof Gandi iyo Gen Fartaag oo khudbado ka jeediyay….

admin

Dawladda Kenya oo dadejinaysa Dhismaha derbiga ay ka waddo Xadka Soomaaliya

Ahmed sudani

Daawo Sawiro: Dhalinyaradii ugu Badneyd oo Xalay Howlgal lagu qabtay iyo Nabad Sugida oo kala Saareysa Dhalinyardaasi

admin