Animation

Sawirro: Saameyn intee la eg ayey magaalada muqdisho ku reebteen roobab xoogan oo xalay ilaa maanta ka da’ay?

no responses
Friday May 19, 2017 - 9:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada muqdisho ee caasimadda soomalia waxaa xalay ka da’ay roobab xoogan oo biyo dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada .

Roobka oo bilwoday xalay fiidkii ayaa soo gaaray ilaa xili dambe waxaana uu biyo dhigay waddooyinka iyadoona biyaha roobka ay xireen meelaha qaar.

Saakay ayuu hadana dib u bilwoday roobka ilaa barqadii ayuuna da”aayay waxaana roobabkaan oo dabeyla wata ay saameyn weyn ku yeesheen xaafaddaha qaar iyo dadka barakacayaasha ah ee magaalada muqdisho ku nool.

Guryaha qaar ee magaalada muqdisho ku yaala ayaan xalay laga hoyan maadama ay difaac uga jireen biyaha roobka oo si xowli ah ku socda halka guryaha qaarkood ay biyaha galeen daadkuna uu alaabta ka qaaday.

Waa roobkii ugu xooganaay oo muqdisho ka da’ay tan iyo markii uu bilowday xili roobaadka gu’a waxaana xusid mudan in saameynta ugu badan roobabkaan ay ku dhacday dadka barakacayasha ah ee ku nool guryaha cooshadaha ka sameysan.