Sawirro: Roobab geestay khasaaro kala duwan oo xalay ilaa iyo maanta ka da’aya caasimadda Muqdisho

0

Muddo ku dhaw 12-saacadod oo xariir ah magaallada muqdisho waxaa ka da’aya roobab wata qaboob iyo biyo badan waxaana ay saameyn balaaran ku yeesheen qooysaska barakacaayasha ah ee guryaha cooshadaha ka sameysan ku nool.

Roobka oo bilowday xalay saqdii dhexe 12-15 Am Xiliga Muqdisho ayaa waxaa uu si xiriir ah u socdaa ilaa iyo hadda oo saacadda muqdisho ay tahay 12-30 PM waxaana ka dhashay qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Guri ku yaalla dagmada xamar-weyne ayaa la sheegay in uu ku dumay qooyskii deganaa waxaana la soo sheegaya in uu ku dhintay hal ruux oo qoyska kamid ah,

Dagmada kaxda 3 caruur ah ayaa ku geeriyootay kadib markii biyo ay ugu galeen guri cooshad ka sameysan oo ay caruurta ku jireen.

Sidoo kale dagmada yaaqshiid wararka aan ka helaayo waxaa ay sheegayan in roobka uu qasaaro ka geestay qeybo kamid ah degmada yaaqshiid ee gobolka banaadir.

Imtixaankii shahaadiga ee dowladdu shalay daah-furtay isna maanta wuu baaqday roobka da’aya sababtiis waxaana ardayda iyo kormeerayaasha lagu wargaliyay in ay guryahooda iska joogaan oo Imtixaankii la baajiyay.

Marka laga soo tago qasaaraha maadiga ee roobka uu geestay ayaa haddana waxaa xirmay isku socodkii dadka iyo gaadiidka iyadoo inta badan ay go’een waddooyin halbowle u ahaa isku socoda caasimadda maadama ay biyo fadhiisteen.