Sawirro: Ra’isul wasaare kheyre oo kormeer kadis ah ku tagay Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda

0

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka mudane xasan cali kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumaha wasaaraddaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda halkaasi oo uu kula kulmay madaxda wasaaraddaha iyo shaqaalaha.

Ra’isul wasaaraha ayaa xog wareysi la yeeshay wasiirrada wasaaraddaha uu maanta booqashada ku tagay wuxuuna kala hadlay dar dargalinta howlaha wasaaradda .

“Booqashooyinka shaqo ee aan ku tagay wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha dibadda waxay qeyb ka yihiin qorshaha xukuumadda ee ku salaysan isla xisaabtanka iyo hufnaanta.” Ayuu yiri Ra’isul wasaare kheyre oo ka hadlaayay booqashadiisa waxa ay la xiriirto.