Sawirro: Ra’isul wasaare kheyre iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo Cisbitaalka ku booqday Xildhibaan Booroow

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Isbitaalka digfeer ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) oo xalay ku dhaawacmay qarax loogu xeray gaarigiisa.

Booqashada waxa ku wehlinaayay xubno ka tirsan labada golle ee dowladda.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiir Isbitaalka oo ku saabsan dhaawaca Xildhibaaka.

Dhamaan masuuliyiintii booqday xildhibaan Booroow ayaa Alle ugu baryay inuu caafimaad taam ah siiyo.