Somali News

SAWIRRO: Ra’isal Wasaare Xasan Kheyre oo Xaliyay Khilaaf ka taagnaa Soo Xulista Barlamaanka Galmudug

Kulan ka dhacay galabta Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo afjaray khilaaf ka taagnaa soo xulista qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Maamulka Galmudug sida uu sheegay xildhibaan Mahad Salaad.

Waxaa kulankan ka qeyb galay Raisul Wasaare Khayre, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala degaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka.

“Waxaa is afgarad ku soo dhamaaday kulan galabta ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala deegaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada iyo Odoyaasha Dhaqanka oo si xilkasnimo leh isaga xilsaaray in meesha laga saaro madmadow ka dhashay xulista Xildhibaanada Galmudug” ayuu yiri Mahad Salaad oo aan faahfaahin ka bixin qaabka loogu heshiiyey soo xulida xildhibaanada sadexda degmo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in beesha Ceyr ay tanaasul u sameysay ahlu sunna ka dib markii ay magacaabeen 5 ka mid ah 6 Xildhibaan oo beeshan kaga soo aaday xildhibaanada Galmudug.

  

Related posts

War cusub: Maxaadan ogeyn oo galmudug ay ka tiri magacaabista ra’isul wasaaraha cusub ee dowlada federaalka?

Tifaftiraha K24

DEG DEG:Sarkaal sare oo NISA ka tirsan ayaa goordhaw ka bad baaday isku day dil ah kadib markii dableey hubeysan ay…..

Tifaftiraha K24

Akhriso Xogo ku saabsan Shirka looga hadlayo Qudus uu Maanta ka qeyb galayo Madaxweyne Farmaajo

admin