Sawirro: Qaraxyo Qasaaro badan geestay oo Galabta ka dhacay Magaalada Baydhabo

0

Galabta gabal dhicii waxaa Magaalada Baydhabo mar qura laga maqlay Jugta Qaraxyo Mataano ah oo ka dhacay Bartamaha Magaalada.

Qaraxyada oo Mid kamid ah uu ahaa Ismiidaamin ayaa waxa uu ka dhacay Maqaayad ku taala Afar Irdoodka Magaalada Baydhabo.

Qaraxa kale ayaa waxyar kadib ka dhacay Hotel Lagu Magacaabo Bilan.

Inta la Xaqiijiyay dad ka badan 20 Ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyada halka dhaawaca uu intaas ka badanyahay.

Lama oga cidda qaraxyadaasi lagu bartilmaameedsanayay, ilaa iyo haatanna ma ay jirto cid sheegatay inay weerarradaasi ka dambaysay.

Ciidammada ammaanka ayaa waxa ay xireen wadada marta bartamaha magaalada halkaas oo ay ku yaallaan goobaha ganacsi ee qaraxyadan lagu bartilmaameedsaday.

Magaalada Baydhaba ayaa maalmahanba waxaa ka soconayay ololaha doorashooyinka madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay qabsoomaan 17-ka bisha Nofeembar ee soo aaddan.