Sawirro: Qalbi Dhagax oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb Muxuuse yahay Qorshahiisa?

0

C/kariim Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ah Saraakiisha ONLF ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Madax ka tirsan Galmudug iyo qeybaha Bulshada ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Qalbi dhagax Dhuusamareeb.

Qalbi Dhagax ayaa socdaal ku marayay deegaanada maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo oo aheyd halkii laga qabtay.

Qalbi dhagx ayaa horay u sheegay in socdaalkiisa gobollada dalka uusan ku jirin Magaalada Muqdisho .