SAWIRRO: Qaar kamid ah hubkii lagala baxay Xeradii Imaaraat-ka ka guuray oo suuqyada Muqdisho lagu iibinaayo

0

Iyadoo dhawaan uu dagaal ka dhacay gudaha xerada Gen Gordan oo Imaaraat-ka uu ka guuray ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in hub badan lagala baxay keydka hubka ee xerada Gen Gordan Magaallada Muqdisho.

Ku dhawaad 600 qoryaha fududud oo ay ku jiraan AK-47 ayaa la sheegay in lagala baxay keydka hubka ee xerada gen gordan waxaana suuqyada lagu arkaya qoriga AK-47 oo ay ku shabadeysantahay SO XDS oo ah astaan muujineysa inay leeyihiin ciidamada xoogga dalka soomalia taasi oo fadeexo weyn ku noqoneysa dowladda federaalka oo xerada iyo hubkii yiilay kala wareegtay Imaaraat-ka carabta.

Qoriga AK-47-ka waxaa suuqyada lagu kala iibsanaya qiimo aad u jaban oo ah 700$ iyadoo ay xusid mudantahay in qoriga AK-47 uu qiimo ahaan joogo 1,300$ iyo lacag ka sii badan .

Qoryaha la bililiqeystay waxa ay gacanta u galeysa gacan aan aheyn tan dowladda waxaana laga baqdin qabaa in hubkaan uu ka dhaco gacanta Al-shabaab maadama suuqyada uu yaallo qiima jabanna lagu kala iibsanaayo.