Sawirro: Qaad badan oo lagu gubay Magaalada Beled-xaawo iyo Xadka Kenya iyo Somalia oo Weli Xiran

0

Xadka kenya ay la wadaagto soomalia gaar ahaan beled-xaawo ayaa xiran maalintii labaad waxaana magaalada lagu gubay qaadkii laga keeni jiray gudaha dalka kenya.

Qaadka la gubay ayaa ka kooban 25 Jawaan oo ay lahaayeen dad ganacsato ah, kuwaasi oo doonaayay inay ku iibiyaan Degmada Baled Xaawo, sida uu sheegay qof ku sugan Degmada Baled Xaawo.

Xuduuda u dhaxeysa Mandhera iyo Baled Xaawo, ayaa xiran kadib markii Maamulka Jubbaland ay amar ku bixiyeen in la xiro xuduuda, sababo ku aadan muran taagan awgeed.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baled Xaawo ayaa amray in gabi ahaanba la gubo qaadkaan oo si sharcidaro ay sheegeen in looga soo tallaabiyay xuduuda,maadaama ay xiran tahay.

Qaadka la gubay ee 25 Jawaan ah ayaa ayaa lacag ahaan ku fadhiyo qiimaha dalka Kenya  (1Million iyo 500 kun oo Kenya ah).