Somali News

SAWIRRO: Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal.

Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Galmudug intooda badan ayaa galabta magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal oo shalay xilkaas loo doortay.

Musharaxiinta kulankan ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan Odowaa, Kamal Guutaale iyo xubno kale

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sida ugu haboon ee ay qabsoomi karto doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhowaan la filayo iney ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa u balan-qaaday musharaxiinta in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay u dhici doonto cadaalad ah oo hufan, uuna magacaabi doono guddiga qaban-qaabada doorashada, isagoo ka codsaday iney ku kalsoonaadaan.

  

Related posts

Qarax Qasaaro Dhaliyay oo ka dhacay Ciraaq

admin

Dhagayso Generaal Tuuryare:- Waxa jira Shirkado iyo Shaqsiyaad taageera Argagixisada….

admin

Daawo: Boqolaal Qofood oo Qaliin indhaha ah oo lacag la’aan ah loogu Sameeyey Magaalada Kismaayo.

admin