SAWIRRO: Musharax Laftagareen Oo La Kulmay Talihii Hore Nisa.

0

Musharaxa madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed somalia mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen ) ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada baydhabo ku Qaabiley musharax madaxweyne taliyihii hore Ee ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Xusen Cismaan Xusen.

 

Labada musharax ayaa ka wada hadlay hanaanka doorashada koonfur galbeed iyo wax kaga aadan labada musharax waxaana ay qiyaas leh iskula cabireen aayaha dowlada goboledka koonfur galbeed soomaaliya.

 

dhinaca kale labada musharax ayaa isla afgartay sidii isbadal muuqa uu uga dhici lahaa koonfur galbeed ayna iskaga kaashan lahaayeen.
Dhawaan ayaa la filayaa inuu dhaco kulan ay isugu imaanayaan dhamaan musharaxiinta Koonfur galbeed somaliya waxaana la wadaa qaban qaabada kulanka musaharaxiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed ee isbadal doon ka ah.

cabdi casiis laftagareen ayaa ah musharaxa ugu cadcad musharaxiinta dowlada goboleedka koonfur galbeed ahna musharaxa ugu taageerada badan dhamaan deegaanada maamulka koonfur galbeed.