Somali News

Sawirro: Meydka Aabaha dhalay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo Muqdisho lagu Aasay

Allaha Unaxariisto waxaa maanta Muqdisho lagu aasay Cali Nuur Shuute oo ah Aabaha dhalay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xalay fiidkii salaadii Maqrib markuu ka soo baxay ayaa isaga oo fadhiya afaafka-hore guri uu ka deganaa degmada Dharkeenleey ee Gobalka Banaadir eey kooxa hubeysan ku toogteen, dhaawac ahaan ayaa loo soo qaaday isagoo ugu dambeyn ay nafta kaga baxday isbitaalka Madiina.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay aaska Marxuumka, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa bulshada ku dhaqan Gobalka Banaadir oo iyagana marxuumka tebi doono kaalinta caawimaad uu ku lahaa dadyowga u bahaan in la caawiyo ee badidood ku dhaqan degmada Dharkeenleey.

AUN Cali Nuur Shuute waxa uu ahaa Aabbe ganacsade ah oo ku jiro da’da 70-aad, mana jirto wal-wal uu ka qabay cid si gaar ah u bar tilmaamsaneyso.

Related posts

Daawo: Faroole” Waxaan ahay Musharax u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaliya 2016

admin

War Cusub: Kulan looga Dooday Sharci Mamnuucaya Gudniinka Haweynka oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada…+Sawirro

Tifaftiraha K24

The Insider Secrets for Hello World

Sakariye Sakariye