Sawirro: Meeqa Ruux ayaa ku dhimatay qaraxii ka dhacay Sayidka Xagee ayuuse ahaa Bartilmaameedka?

0

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa galabta ka dhacay isgooyska sayidka ee magaalada muqdisho.

Afarta ruux ee dhimatay mid kamid ah waa darawalkii waday gaariga qarxay waxaana qaraxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn halka loo yaqaan Oto oto oo ay hadda ku shaqeyso wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhaawacyada qaraxa waa 7 ruux oo shacab iyo askar isugu jirta.

GAARIGA SIDEE U QARXAY?

Gaariga inta uusan qarxin waxaa joojiyay askari ku sugnaa bar koontarool waxaana durbadiida qarxay gaariga waxaana dhibtay askarigii gaariga joojiyay.

XAGEE QARAXA LALA DAMACSANAAY?

Ilaa iyo hadda lama ogaan bartilmaameedka rasmiga ah ee gaarigaan qarxay lala damacsanaay laamaha ammaanka weli kama aysan hadlin qaraxa iyo qasaaraha ka dhashay.

XAALKA GOOBTA UU QARAXU KA DHACAY WAA SIDEE HADDA?

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hadda dagan waxaana ciidamada ammaanka ay xireen halka uu qaraxa ka dhacay weli waxaa goobta ka howlgalaya gaadiidka gurmadka deg dega ah.

Qaraxaan wuxuu kusoo beegmaya iyadoo maanta barqadii qarax gaari uu ka dhacay deegaanka siinka-dheer ee duleedka muqdisho waxaana gaariga qarxay uu doonaayay in uu muqdisho gudaha usoo galo isagoo ka ka dhuumanaayay koontaroolka ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin siinka-dheer waxaana qaraxaasi ku dhintay laba ruux oo gaariga saarnaay.