Somali News

SAWIRRO: Maxamed Cabdi oo noqday qofkii ugu da’da yaraa ee ku dhaawacma Qaraxii Muqdisho

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgooska Ex-Koontarool Afgooye ayaa galaaftay nolosha dad ku dhaw 100-qof, waxa ayna dadkaasi isugu jireen caruur , haween, dhalinyaro iyo dad da’ ah.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa kamid ah Maxamed Cabdi Abuukar oo 8-bilood kaliya jira, wiilkan yar ayaa sidoo kale qaraxa waxaa ku dhimatay hooyadiis oo dusha ku wadatay.

Dhaawaca Wiilkan yar oo ah mid xoogan ayaa hada lagu daweenayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana wiilkan isbitaalka kula jirta oo xaaladiisa ka war heysa eedadiis.

Wiilkan yar ee ku dhaawacmay qaraxii musiibada ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sawirro laga soo qaaday waxa uu rogay dareenka bulshada Soomaaliyeed, waxa ayna dadka badan la ilmeeyeen dhibka wiilkan iyo dad badan shalay soo gaaray.

Qaraxii shalay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa kamid noqonaya qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan noloshooda ku waayay dad badan oo shacab ah oon waxba galabsan.

  

Related posts

Thaabit Cabdi Maxamed Duqa Magaalada Muqdisho Oo Sheegay In Ay Ka Shaqeyndoonaan Isdhex Galka Bulshada.

gurey

Dowlada Kenya oo dagaal ka dhan ah Al Shabab, ku qaadeysa keymaha xeebaha ay wadaagaan somaliya iyo Kenya

admin

Agaasime koofi oo dhiggiisa dalka faransiiska kala hadlay Baasaboorka Soomalia” Sawirro”

admin