Animation

Sawirro: Maxaadan Ogeyn oo Maanta laga Xusay Magaalada Muqdisho Xili ay ku Beegantahay Maalinta……

no responses
Monday October 10, 2016 - 6:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Munaasabadaan oo lagu xusayey maalinta dhimrka aduunka oo ku began 10-ka October waxaa lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana ka qeyb galay gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, marwada madaxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, xubno kasocday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, masuuliyiin katirsan Hay’adda Culumada Soomaaliyeed, ururka haweenka gobolka Banaadir iyo xubno kale oo ka socday jaamacadaha dalka qaarkood.

Dhinacyada ka qeyb galay munaasabada ayaa kahadlay muhiimada maalintan oo si gaar ah ay u sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee qaba cudurka dhimirka.

Dr C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb oo kahadlay munaasabada ayaa sheegay in Hay’adda Xabeeb oo gacanta ku heysa dad badan oo qaban xanuunka dhimirka 11-kii sano ee lasoo dhaafay ay xuseysay munaasabadaan.

“Hey’adda xabeeb waxey gacanta ku heysaa dad badan oo qaban xanuunka mudo ku dhow 11-sano ayaana xuseynay munaasabadaan”ayuu yiri

Gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo kahadlay sababaha keena cudurka dhimirka ayaa tilmaamay in 26-kii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ku kordheen dadka qaban xanuunkaan.

“26-kii sano ee lasoo dhaafay wuu kordhy xanuunkaan waxaana sababa dagaalada, daroogada, iyo waxyaabo kale oo badan”ayuu yiri

In la garab istaago dadka qaba xanuunka dhimirka waxa ay keeni kartaa in uu yaraado heerka iminka uu gaarsiisan yahay, sidaasi waxaa madasha ka sheegay gudoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheakh Bashiir Axmed Salaad.

Marwada Madaxweynaha dalka marwo Sahro Cumar Xasanoo ka qeyb gashay munaasabada ayaa deeq lacageed ku wareejisay Dr Xabeeb oo gacanta ku haya dadka qaba cudurka dhimirka, iyadoo sidoo kale balan qaaday in ay bixin doonto dhul ay ugu talo gashay in lagu xanaaneeyo dadkaasi.

Ugu dambeyn gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku dardaarmay in lagawada shaqeeyo sidii loo caawin lahaa dadka qaba xanuunka dhimirka.

1 2 3 4 fb_img_1476118945846 fb_img_1476118947566 fb_img_1476118949115 fb_img_1476118954252 fb_img_1476118964547 fb_img_1476118966468 fb_img_1476118969418 fb_img_1476118971562 fb_img_1476118973456 fb_img_1476118975434 fb_img_1476118987961 img_1755-640x427

Facebook Comments