Breaking News Somali News Top News

Sawirro: Maxaa Maanta Ka Dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

Boqolaal qof oo ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta salaadii Jimcaha kadib waxa ay isugu yimaadeen Isgoyska Zoobe oo 14-kii bishan uu ka dhacay Qarax aan nuuciisa horey loo arak.

Dadweynaha halkaasi isugu yimid ayaa Tukaday laba rakac oo Salaada janaasada ah, kadib Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa la hadlay dadweynaha goobta yimid.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa dadka halkaasi yimid u jeediyay khudbad ku saabsan sida ay u wanaagsan tahay in la ilaaliyo dhiigga qofka Muslimka ah, isaga oo sidoo kale u duceeyay dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe, iyada oo dadka ay ka daba ajiibayeen.

Related posts

Askari ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda oo Xalay lagu Dilay Dagmada Afgooye

admin

Bulshada Xeraale oo Gaadiid Dagaal iyo Ciidan ku wareejiyey RW Kheyre (Sawirro)

admin

Dhagayso : Madaxweyne Guulled oo shaaciyay Meesha u ka dhacayo Wadahalka Ahlusunna iyo Galmudug.

admin