Somali News Top News Xulashada K24

SAWIRRO:- Madaxweyne Xaaf oo kormeeray Xarrumaha Galmudug looga dhisayo Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta Kormeeray goobaha lagu tala galay in uu ku shaqeeyo maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinaayay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxaa uu sheegay in dhawaan la dhameystiro guryaha uu ku shaqeyn doono maamulka, islamarkaana uu maamulka u shaqo bilaabi doono si deg deg ah.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxtooyadda iyo Guriga Baarlamaanka howshiisa ay tahay gabagabo.

Tan iyo markii ay midoobeen galmudug iyo ahlu-sunna oo ay caasimad u tahay dhuusamareeb ayaa waxaa hadda socoda qabanqaada dhismayaashii uu maamulku ku shqeyn lahaa marka uu ka soo guuro magaalada cadaado oo xarun KMG u aheyd galmudug.

Related posts

Dhageyso: Boqor Buurmadow oo ka hadley Shirka Beelaha Habar Jeclo iyo Habar Yoonis iyo Maamulak Somaliland oo.

admin

Maxaadan Ogeyn Oo Ka Cusub Gobalka Gedo Maanta??? (Warbixin Ayaan Idinka Wadnaa)

admin

TOP NEWS: Xasan Shiikh oo Xalay Nairobi Kulan Afur ah kula qaatay Qaar ka mid ah Xubnaha …..

Tifaftiraha K24