SAWIRRO: Madaxweyne Waare Oo Jowhar Ku Qaabilay Saraakiil Ka Socotay Qaramada Midoobe

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka  Hirshabelle Ku Qaabilay  saraakiil  ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku tagay Caasimadooda Jowhar, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle oo ugu horeyso Abaarta iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhiska Hirshabelle.

Saraakiisha Ka Socday Qaramada Midoobay waxaa Hogaaminayay Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin, Waxaana Madaxweynaha Kulanka Ku Wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle,Wasiir Ku Xigeenka Amniga,Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Ammaanka, iyo La Tiliyeyaal Sare.

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha uu qabto xafiiska Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Madaxa Xafiiskaasi Benjamin  waxana ay u faah faahiyay howlaha ay ka qabtaan Hirshabelle iyo waxyaabaha horyaala in ay wax ka qabtaan sida Caawimaada dadka abaartu ay saameysay, horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle, arrimaha Caafimaadka iyo waxbarashada.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha Deg-dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle, waxaana uu ka dalbaday in looga fadhiyo in ay ka jawaabaan Abaarta ka jirta deegaannada Hirshabelle islamarkaana ay caawiyaan dadka ay saameysay abaarta oo ay ugu darantahay Biyo la’aanta..

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare  ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay u soo gudbin doonto Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen saraakiishaasi fulinta waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.