Somali News

SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliya Mudane Farmaajo Oo Sagootiyey Dhaawacyo Culus Oo La Qaaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii dhalay ka dhacay Isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaateeyeen argagixisadu oo ay ka burburiyeen guryahooda iyo hantidooda, ayna laayeen ubadkooda iyo waalidiintooda.

      

Related posts

Baaritaano saakey ka socda qeybo kamid a Xaafadaha Magaaladda Muqdisho

admin

Akhriso: Seddex qodob oo saldhig u ah socdaalka farmaajo ee kismaayo uu ku tagay

Tifaftiraha K24

Cali Gacal Caser oo dhaliilay Qorshaha Xukuumada somaliya ee ku aadan Galmudug kuna siijeeda magaalada.

admin