SAWIRRO:- Madaxtooyadda Cadaado Oo laga Hirgaliyay Mashruuc Cusub

0

Mashruucaan oo Ah Isgaarsiin Waxaa uu hir Galinayaa Isku Xirka Dowlada Golboleedyada Iyo Dowlada Fadaraalka Waxaan Looga Maarmayaan Ka Qeyb Galida shirarka Gudaha Iyo Dibada Sida uu sheegay Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug Axmed Dubad oo isagu Daafuray Baraamijkaan.

Baraamijkaan Ayaa Waxaa Maalgalinaya Bangiga Daduunka (Wold Bank) Waxaan Horay Looga Hir Galiyay Caasimada Dowlad Goboleedyada.

Waxaa qalab isgaarsiineyd oo casri ah lagu rakibay saddex xafiis oo kala ah, xafiiska wasaaradda Boosatada iyo isgaarsiinta, Xafiiska Barlamaanka Galmdug, Xafiiska Golaha Wasiirada Galmudug Ay Cadaado Ku Leeyihiin.

Madaxweynihii Hore Ee Ximan Iyo Xeeb Mxamed Cabdulaahi Maclin Aadn (Tiiceeye) oo Ka Soo Qeeb Galay Daafurka Mashruucaan Ayaa Sheegay in Ay Tahay Guul Ween Oo Lagaaray In Qalab Sidaan U Casriya Lahelo.