Animation

SAWIRRO: Maamulka Jubba oo Nayroobi kula kulmay Wakiilka Dawlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya

no responses
Thursday November 5, 2015 - 5:45 under Somali News by admin
mqdefault

Magaalada Nayroobi ee xarunta Dalka Kenya waxaa ku shirey Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo Wakiilka Dawlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya David Kaeuper.

Labada dhinac waxay isla soo qaadeen arrimo ka mid yihiin amniga gaar ahaan la-dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada xili Maamulka Jubba uu gacan ka helo ciidamada Amisom.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu kala hadlay Wakiilka Dawlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya David Kaeuper sidii Dawladda Maraykanku maamulka uga gacan siin lahayd  dhinacyada Siyaasada iyo hormarka.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo David Kaeuper waxay isla garteen dhamaan qodobadii la isla soo qaaday xili Mareykanku balan qaaday inay maamul Goboleedyada Soomaalida gacan ka siin doonaan sidii ay hore ugu dhaqaaqi lahaayeen .

AM2