Somali News

SAWIRRO:- Maamulka Gobolka Banaadir Oo Howlgal Waddo Furis Ah Ka Sameeyay.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir taas oo laga sameenayay ololo nadaafadeed iyo burburin dhismayaal sharci darro ah.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka BANAADIR Maxamed C/llaahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Basmo Caamir Shakeeti iyo gddoomiyaha degmada Warta-nabadda ayaa si wadajir ah u sheegay in aan la aqbali doonin dhismo kasta oo sharci darro ah sida ay hadalka u dhigeen amniga iyo nafaadana ay wax u dhimayaan dhismooyinkas.

Howlgalka Burburinta ah ayaa ka dhacay xaafadda Xamar-bile ee degmada Warta-nabadda,iyada oo masuuliyiintaan ay sheegeen in lagu guuleystay in la baneeyo jidadka qaar ee xaafadahaas oo guryo laha dhisay.

Dhinaca kalana guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo amniga gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sidaan oo kale loo burburinayo dhismayaasha aan sharciga aheyn,kuwaas oo waxyeelanaya amniga iyo nadaafadda sida uu hadalka u dhigay.    

Related posts

XOG: Amaanka Muqdisho oo Allow sahal ah & Xasan Sheikh oo mar kale talaabo muhiim ah qaaday..

admin

Doono ay saaranyihiin Hub fara badan oo loo maleynaayo in Soomaliya ay uso socotay oo lagu qabtay…

admin

R/W CCC oo u hanjabay Puntland ugana digay…

admin