Somali News

SAWIRRO: Kooxda Al-shabaab oo suldaan beeleed ku caleema saartey degmada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ku caleema saartay Suldaan cusub oo ay yeelaneyso Beesha Waceysle ee Abgaal kaasoo kamid ahaa odayaashii taageersanaa kooxdaas.

Kulankaan oo ay si weyn usoo diyaarisay kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ka qeyb galeen Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo Ardayda deegaanka Ceeldheer ayaa waxaa Suldaanka Beesha Waceysle loogu doortay Daa’uud Xasan Aadan.

Odayaashii Waceysle ee kasoo qeybgalay Xafladda oo u badnaa kuwa taageersan Al-Shabaab ayaa sheegay inay garab taagan yihiin kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ku midoobeen Suldaanka cusub.

Al-Shabaab ayaa Suldaanka cusub guddoonsiisay Kitaabka Qur’aanka, Calan, Qori iyo booshkiisa iyo Gaari Prado ah iyadoo faras lagu dhex mariyey Magaalada Ceel Dheer.

                        

Related posts

Daawo Muuqaal: Qasaarihii ka dhashay Qaraxyadii Galkacyo ka dhacay oo sii Kordheysa iyo Tirada Dhimashada oo hada Mareysa in kabadan…..

Tifaftiraha K24

Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka oo Go'aamiyey in Lacag loogu deeqo soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yamen

admin

JollyRomance Review

Sakariye Sakariye