Somali News

Sawirro: Kheyre iyo Shariif Xasan oo ka qeyb galay Shir lagu heshiisiinaayo beello ku dagaalamay Magaalada Marka oo Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir dib u heshiisiin ah oo lagu heshiisiinaayo beello ku dagaallamay magaalada marka ee xarunta gobolka shabeellada hoose.

Shirka daah-furkiisa waxaa maanta ka qeyb galay Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka xasan cali kheyre hogaamiyaha dowlad goboleedka koonfur galbeed shariif xasan shiikh aadan iyo guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi xaashi , xildhibaanno iyo odayaal dhaqmeed kasoo jeeda labada beellood ee la heshiisiinaayo.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaana shirka furay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha cabdi maxamed sabriye.

Afartii sano ee la soo dhaafay magaalada marka waxaa ka jiray dagaallo beeleed u dhaxeeya beello gobolka wada daga waxaana dagaalladaasi ay saameyn weyn ku yeesheen wax soo saarikii gobolka iyo dhaqaalihii gobolka oo ku tiirsanaay wax soo saarka iyo xoolo dhaqashada.

Related posts

Maalinta Saxaafada Aduunka oo maanta Garowe Laga Xusay

admin

Top News: Qodob dalka u muhiim ah oo mar kale Baarlamanka la hor geyey.

admin

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo kusoo Kordhay Xaaladda Caafimad ee Abwaan Sangub Xili maanta ay Booqdeen Wafdi uu Hogaamniaayo…….

Tifaftiraha K24