Arimaha Bulshada Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Sawirro; Jubbaland Oo Weerarkii Ugu Cuslaa Maanta Ku Qaaday Dawlada Federaalka

Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa waxa maanta kulan Xasaasi Ah ku yeesheen Saraakiisha Ciidamada Amniga iyo Wasaarada Amniga Maamulkaasi.

Waxa laga Hadlay ayaa Aheyd mid si weyn loogu lafa guray Amniga iyo sidii looga shaqeyn lahaa.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo Khudbad Kulul ujeedinayey Saraakiisha Ciidanka waxa uu Weerar Afka ah Ku Qaaday Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ku Eedeeyey inay dhabar toogasho ku sameysay Howlgalkii Shabaab ay ku xoreyn lahaayeen Deegaanada ay joogaan.

Si Gaar ah waxa uu u weeraray Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre uuna ku tilmaamay in howsha ay ka horeysay imaanshahooda.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Shalay Sameeyay Arin Farxad galisay Dadweynaha Soomaliyeed

admin

DHACDO XANUUN BADAN – Afar iyo toban qof oo isagu jira Soomaali iyo Afghaaani oo uu tareen ku jiirey dalka Macedoina

admin

Calankii iyo Magacii Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya oo La beddelay

admin