Arimaha Bulshada Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

SAWIRRO: Jaamacada Kownayn Oo Maanta Xaflad Muqdisho ugu Qabatay Arday Ka Qalin Jabisay.

Munaasabad Lagu Maamuusayay Xaflada Ay Ku Qalin Jabinayeen Ardayda Waxka Baratay Jaamacada Kownayn Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somaliya.

In Ka Badan Labo Boqol Oo Arday Ayaa Ka Qalin Jabisay Jaamacada Kownayn Xarunteeda Magalada Muqdisho.

Munaasabada Qalin Jabinta Waxaa Ka Soo Qayb Galay Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Somaliya Xildhibaano Iyo Masuuliyiin Ka Socda Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu Horeyn Gudoomiyaha Jaamacada Kownayn Aadan Xaaji Xuseen Ayaa Sheekeeyay Mar Xaladihii Kala Duwanaa Ee Ay Jaamacada Kownayn Ay Soo Martay Waxaana Uu Xusay In Magaca Jaamacada Loogu Yeero Uu Mid Si Fcn Looga Fikiray Looguna Magac Daray Halyeeyga Soomaaliyeed Ee Shiikh Yuusuf Al Kownayn.

Aadan Xaaji Xuseen Ayaa Hadalkiisa Ku Sii Daray In Jaamacada Kownayn Ay Kobcisay Aqoonta Iyo Tayada Ardayda Soomaaliyeed Isla Markaana Ay Awooda Saartay Afka Soomaliga.

 

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel Oo Ka Mid Xildhibaanada Soomaaliyeed Ayaa U Mahadceliyay Dhamaan Maamulka Iyo Macalimiinta Jaamacada Kownayn Sidoo Kalana Waxaa Uu Gudoomiyaha Jaamacada Ku Tilmaamay Nin Howl Kar Ah Dalkana Wax Badan U Qabtay.

 

Agaamsimaha Guudo Ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane, Abdulqaadir Xuseen Maax Iyo Shiekh Abukar Xasan Maalim Ayaa Si Yaabo Kala Duwan Hambalyo Ugu Diray Ardayda Ka Qalin Jabisay Jaamacada Iyo Maamulka Jaamacada Kownayn.

 

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada Somaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir Ayaa Sheegay In Ay Ka Wasaarad Waxbarasho Ahaan Ay Farxad Galinayso In Arday Badan Ka Soo Baxaan Jaamacada Kownayn Ayna U Abuuuri Doonaan Fursado Shaqo Oo Kala Duwan.

 

Ugu Danbayn Waxaan Faraxadooda Muujiyay Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacada Kownayn Ka Qalin Jabiyay Ee Maanta La Gudoonsiiyay Shahaadadoodii Heerka Koowaad Ee Jaamacada Waxayna U Mahadceliyeen Maamulka Iyo Macalimiinta Jaamacada Kownayn Ee Dadaalka Dheer Galiyay Waxbarashadooda.

 

SAWIRRO:

Related posts

Dhagayso:- Dhaawaca Xildhibaan Cumar Finish oo loo duliyeey Turkiga

admin

Nin xabsi ku muteystay funaanadda xulka kubadda cagta ee Qadar

Mohamed Abdirashid Abaajo

Dhagayso Gudomiyaha Barlamanka Galmudug oo weerar afka ah ku qaday Jawaari

admin